Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba-gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee u ku joogay dalka Sudan.Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiiri ayaa ku soo saagootiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa qaybta martida gaarka ah ee garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee magaalada Khartum.
Madaxweyne Farmaajo ayaa galinkii hore waxa uu booqday xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo ay dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee ugu badan ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yalla dalka dibaddiisa.
Guddoomiyaha Jamacadda Caalamiga ah ee Africa Dr.Kaamil Cubayd, barayaasha Jaamacadda, ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Jaamacadda ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa, Maamul iyo Macaluimiinba , dadaalka ay ku bixiyeen ardayda Soomaaliyeed.