Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safari shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti Itoobiya iyo Yugandha oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalakaasi uu ku tagay waxana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo maleeshiyaadka Argagixisada SHabaab.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa farriin u diray Alshabaab isagoo sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay sida dowladdu ay uga go’an tahay in maleeshiyada Shabaab laga xoreeyo guud ahaan Dalka.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa Madaxda Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaa ladagaalanka argagixisada,waxaana uu ka dambeyeey safarkiisa maalmo kadib markii koxda Shabaab ay xasuuqeen ilaa 600 boqol ku dhawaad shacab Soomaaliyeed markii ay gaari weyn ay ku qarxiyeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.