Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka dhoofay magaalada Riyaad kadib kulamo uu la qaatay mas’uuliyiinta Boqortooyada oo uu ugu horeeyo Boqol Salmaan Bin C/casiis.
Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka Riyaad ka duulay isagoo u dhoofay magaalada Madiina Almunawara, halkaasoo uu cibaado u tegayo kadibna cumro soo gudanayo.
Waxaa Garoonka Khaalid ee Riyaad ku soo sagootiyay Wasiiru dowlaha ka tirsan Golaha Wasiirada Cisaam Bin Sacuud iyo Safiirka Sacuudiga u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Maxamed Bin C/qani.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com

![Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Magaalada Riyaad [Halkee ku sii jeedaa..?] SAWIRRO](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/02/Farmajo-Sacudi2.jpg)