Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Kormeerka madaxweynaha ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayo xaaladda shaqada wasaaradda iyo baahida ka jirta, waxaana xarunta wasaaradda kusoo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo agaasimeyaasha wasaaradda.
Xarunta Wsaaradda Warfaafinta ayaa qeyb ka ah xeydaabka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee fadhiga u ah Madaxweynaha iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka.
SAWIRRO