Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo qabanqaabada soo dhoweyntiisa ay ka socoto halkaasi.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubno kale, waxayna magaalada Dhuusamareeb uga qeybgeli doonaan wejiga labaad ee shirka wadatashiga ay ugu yeereen madaxda Maamul Goboleedyada, kaasoo looga hadlay Doorashada Dalka iyo sidii heshiis looga gaari lahaa.
Madaxtooyada ayaa shaacisay inuu Madaxweynaha Galabta gaari doono magaalada Dhuusamaeeb, halka madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku sii jeedo maanta magaalada Cadaado.

Axmed Madoobe oo dib uga soo laabanaya magaalada Garowe oo uu uga qeyb galay aaskii marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa martiqaad loogu sameeyay magaalada Cadaado.