Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qoyska ay ka geeriyootay gabadhii Ardayad ee magaalada Muqdisho lagu dilay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.
Kulankan ayaa sida looga bartay Madaxtooyada aysan shaacin, isla markaana la faafhaahin, iyadoo aan saxaafadda lala wadaagin sababo aan la shaacin awgood, iyadoo wafaafinta madaxtooyada ay shaacin jirtay qaabilaaddaha uu sameeyo madaxweynaha.
Dilka Deeqa Daahir oo 9 sano jir ahayd ayaa cambaareyn iyo naxdin weyn ku dhalisay dadka Muqdisho, iyadoo baraaha bulshada siw eyn loogu faaqiday geerida ay sababeen askarta Soomaalida ee ay ahayd inay difaacaan.

Istii aaskeedu socday qoyska gabadha ayaa dalbaday in caddaalad loo sameeyo. In ciidammadu ay rasaas ku fureen meel shacab ka agdhaw yahay waa wax caadi ka ah magaalada Muqdisho, balse taliyaha booliiska ayaa hadda ballan qaadaya in dacwad lagu soo oogi doono afar askari oo loo xiray falkan.