Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay ku xigeenka madaxda Midowga Afria ee Soomaaliya iyo Taliyaha AMISOM.
Kulanka ayaa looga hadlay xaalada ciidamada AMISOM iyo iskaashiga ciidamada dowladda, waxaana ku xigeenka wakillka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo iyo taliyaha ciidamada AMISOMĀ Gen. Osman Noor Soubagleh ayaa madaxweyne Farmaajo ku wargeliyay xaalada AMISOM iyo caqabadaha heysta.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay wadashaqeynta AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo aan faahfahin dheeraad ah laga bixin kulanka oo imaanaya xilli adag oo AMISOM ay qeylo dhaan kasoo saartay dhaqaale darro heysata oo keentay inay shaqeyn waayaan.
SAWIRRO