Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidamada maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe oo ahaa ciidamo diimeed oo hab diini ah isu abaabulay dagaallo qaraarna la galay Alshabaab.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu wehliyo madaxa Golaha wasiirrada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta booqday xerada 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo looga dhawaaqay in ciidamadaasi ay ka mid noqonayaan kuwa dowladda Federaalka.
Ciidamada Ahlu suna ayaa ku jiray saldhigga 21-aad ee ciidamadii xoogga dalka. Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen. Gorod ayaa sheegay in Ciidamadan ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay mushaarka iyo tasiilaadkooda kaleba bixin doonto dowladda Federaalka.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caddeeyay in Ciidamadan ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kadib markii dib u habeyn lagu sameynayo fadhigooyna noqon doono qeybta 21aad ee ciidamada xooggad dalka.
SAWIRRO