Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa looga yeerayMagaaladda Addis-Ababa, isagoo halkaasi uga qeyb geli doona shir aan caadi ahayn oo madaxda IGAD yeelanayaan.
Shir madaxeedka IGAD ee aan caadiga ahayn ayaa 21-ka bishan ka furmi doona magaalada Adis ababa, iyadoo looga hadli doono xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo mar kale xaaladiisa ay kacsan tahay.
Soomaaliya ayaa xilliyadii hore shirarka ku saabsan IGAD ee Koonfurta Suudaan inta badan uga diri jirtay Ra’iisal wasaare iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxaase hadda muuqata in madaxweynaha uu ka qeyb galayo shir madaxeedkan degdegga ah.
Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa dadaal ugu jiray in muddo ah xal u helidda dagaalka Koofurta Suudaan, iyadoo Soomaaliya ka mid tahay dalalka IGAD ee qeybta ka ah qorshaha IGAD ku dooneyso inay ku nabadeyso dalkaasi.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii uu Muqdisho yimid Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo iyadoo uu dalka ka maqan yahay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.