Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta u dhoofo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wrarka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya inuu madaxweyne Farmaajo maanta u duuli doono magaalada Adis ababa, halkaasoo uu uga qeybgeli doono Shirka Madaxeedka ururka Midowga Afrika oo berri ah ka furmaya Magaalada Addis Ababa.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Adis ababa uga qeybgalaya shirka wasiirada arrimaha dibadda Midowga Afrika oo ka horeeya shirka madaxdaa Afrika ee Berri, waxaana Adis ku qulqulaya madaxda Afrika.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la filayaa todobaad kadib inuu u dabaaldago sanadguuradii ka soo wareegatay markii loo doortay xilka madaxtinimada Soomaaliya oo ku beegan 8-da Febraury, xilli madax badan oo maamulkiisa ka mid ahaa xilalka laga qaaday, qaarka ay is-casileen.