Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) uu mar kale dib ugu laabtay Xafiiskiisa Xarunta Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dhowr toddobaad ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku qasbanaaday inuu ku soo laabto Villa Somalia kadib xiisadii ka dhalatay Mooshinkii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee is casilay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana la sheegay inuu mar kale maanta shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga .
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga wuxuu dib u habeyn ku sameeyay hoggaanada ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna dhowr goor ku dhawaaqay dagaal sa fballaaran lagu qaadayo Alshabaab oo aan weli suuragelin.