Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii labaad laga dalbado inuu bixiyo lacagtii abaalmarinta ahayd ee uu balanqaaday in la siinayo ciddii soo sheegta ama ka hortagta qarax.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado oo lagu soo bandhigay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyayay oo Ciidamada NISA ee Galmudug ku qabteen gobolja Galgaduud.
Guddoomiye Cali Gacal ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu abaalmarintii uu ballan qaaday siiyo dadkii soo sheegay Gaariga la soo qabtay, wuxuuna u mahadceliyay shacabka reer Galmudug oo ciidamada kala shaqeeyay ka hortagga qarxa.
DHAGEYSO
DAAWO