Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeyay ka hadlay Shirka Suuq-geynta Shidaalka Soomaaliya ee ka furmay Magaalada London.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka Garsoorka Soomaaliya ee maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shirka London uu yahay Bandhig Carweed dowladda Soomaaliya ay kusoo bandhigeyso qorshaha Shidaalka Soomaaliya.
“Ma jirto shidaal la iibinayo iyo wax la xaraashayo, shirkaas wuxuu daba joogaa shir kan ka horeeyay oo lagu soo bandhigayo daraasad laga sameeyay Shidaalka Soomaaliya… Warbaahinta ayaa buun-buunisay warka shidaalka ku saabsan, waxaa lagu leeyahay deeyn, qaarkood Ceymis ayey ku jiraan, si ay u helaan lacag iyo dhageestiyaal oo warkooda u gadmo ayey been ka sheegayn shirkaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo weerar ku qaaday warbaahinta.
Wuxuu caddeeyay in shirkaan uu yahay xog urruurin ay sameysay dowladdii horee ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo heshiis ay gashay oo lagu soo bandhigayo daraasadda shidaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in loo baahan yahay in dalka Shidaal looga saaro muddo 10 sano Gudahood ah si looga baxo faqriga.