Guddomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Gedo ayaa looga yeeray magaalada Muqdisho, kadib markii uu farriin u diray madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) oo uu la socoa Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gobolka Gedo ayaa galab la sheegay inay ka duuleen Garoonka Degmada Doolow iyagoo kusii jeeda magalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay inay wadahadal la yeelan doonaan madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay Gobolka Gedo hoos geyeeen dowladda Federaalka, xilkiina laga qaaday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Macalimuu loo magacaabayo xil kale. Wareegto kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen oo hore uga goostay maamulka Axmed Madoobe, haddana taageera Qorshaha dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo.

