Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee u soo dirteen Soomaaliya.
Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri.
Waxaa kaloo oo safiirka cusub ee Turkiga maanta kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal.



