Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo aya safar kale uga dhoofaya dalka isagoo ku sii jeeda magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.
Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay martiqaad uu hore uga helay madaxweynaah Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir oo marar badan dib u dhacay, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee Farmaajo uu tago Suudaan.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweyne Farmaajo ay ka mid noqon doonaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno kale iyadoo la kulmi doona madaxda dalka Suudaan.
Suudaan ayaa ka mida isbaheysiga Sacuudiga dalalka Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ku qaaday Yeman, waxayna ciidamo u dirtay dalkaasi, laaakiin waxa mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka ka taagan.
Suudaan oo ka mida dalalka taageerada siiya dowladihii Soomaaliya soo maray ayaa ah saaxiib weyn oo mar kasta u dhow Soomaalida.