Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa farriin uu ka soo diray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga ku soo koobay qodobadda uu kala hadlay dowladda Sacuudiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa farriintiisa ku sheegay in dowladda Sacuudiga uu kala hadlay qodobadda kala ah:
1- AMNIGA
2- MASHAARIIC HORUMARINEED
3- XAYIRAADDA XOOLAHA SOOMAALIYA SAARAN
4- & ABAARAHA
Qoraalka uu soo diray madaxweynaha wuxuu ku yiri: “Waxaan si nabad ah ku gaarnay magaalada Riyadh. Amniga, mashaariic horumarineed, xayiraadda xoolaha & abaaraha ayaan ka wada hadleynaa IA” ayuu farriintiisa ku yiri madaxweyne Farmaajo.

Laba kulan oo kala duwan ayuu la yeeshay madaxweynaha boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Bin Axmed Aljubeyr.
Natiijada safarka Sacuudiga ayaa la filayaa in dhowaan la shaaciyo iyadoo Sacuudigu taageero dhaqaale iyo deeq ku saabsan abaaraha u balanqaaday madaxweynaha.
Wadani.com