Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey shirka horumarinta iyo isku-xirka Afrika ‘Africa Now’ ee magaalada Kampala, dalka Uganda ka socda, isagoo ku dhawaaqay inay Somalia ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee saxiixi doona heshiiska heshiiska ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika.
Khudbadda madaxweyne Farmaajo ayaa ku saabsaneyd xaaladda Soomaaliya, wuxuuna shirka u sheegay in Soomaaliya ay soo martay xaalad adag, iyadoo hadda kasoo kabaneysa dagaallo sokeeya oo in badan oo dadkeeda ka mida ka dhigay barakacyaal iyo qaxooti.
Wuxuu sheegay inuu dhammaaday waqtigii wax waliba laga sugi jiray dowladda inay qabato, taasoo ka muuqata Soomaaliya, dadka qaxootiga ama barakacayaasha ahna aysan ka reebaneynin inay horumar iyo ganacsi sameeyaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka Kampala u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo inay Soomaaliya ka mid tahay dalalkii ugu horeeya ee saxiixaya heshiiska ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika “Continental Free Trade Area”.






