Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Amiirka dalka Qatar Amiir Tamin Bin Hamad Althani.
Sida ay shaacisay wakaalada wararka dalka Qatar Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa. Waxay kaloo ka doodeen xaaladda Soomaaliya guu ahaan iyo arrimaha ay wada daneeyaan labada dhinac.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax faahfaahin ah ka bixin xiriirka Khadka Telefoonka ah ee dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar.
