Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo Doorashada soo socota iyo waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo ee waqtigeedu sii dhammaanayo.
Isagoo khudbad ka jeediyey xaflad loogu dabaaldegay 1-da Luulyo oo ka dhacday Tiyaatarka Qaranka ayuu madaxweynuhu sheegay inuu maamulkiisu ku yimid isbedel doon dhab oo ay doonayeen inay wax ka bedelaan xaaladda dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo u muuqday inuu ka jawaabayo eedeyn uga timid siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ahayd inuu hoggaanka dalka uu soo minguuriyo Addis Ababa, wuxuuna ugu jawaabay: “Inta yar ee aan joogno waxaa tilmaan noo ah SYL, iyaga ayaa noo tilmaan ah, waa aabayaasheen ma aha cid shisheeye..”
Mar uu Farmaajo ka hadlay hoggaankiisa ayuu sheegay inuu ku yimid isbedel doon oo wax badan uu ka bedelay xaaladda dalka, ayna u harsan yihiin wax badan oo kale, wuxuuna ku celiyay inay dhaceyso doorasho qof iyo cod ah oo shacabka ay awoodda leeyihin.
Madaxweynaha ayaa dib u saxay hadal si khaldan uga soo baxay xafladii furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, isagoo sheegay inay waxbarasho lavag la’aan ah siiyeen ilaa 65,000 arday ayna doonayaan inay gaarsiiyaan Hal Milyan.

Siyaasiga C/raxmaan Shakuur oo ka hadlay xaflad xalay ka dhacday Muqdisho ayaa yiri: “Buugga Villa Somalia wax ka fiiriso, waxaa laga soo miinguuriyaa Addis Ababa, nin ayaa maanta isoo wacay oo ka mid ah dadka arrimaha geeska afrika aad ula socdo, markaasuu i yiri ninkii Jawar Mohamed in la xiray ma maqashay, Jawar waa nin hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, markaasaa ku iri haa waa arkay adiga lagu soo socdaa is ilaali ayuu i dhahay, maxaa yeelay Abiy Axmed hadduu xiray ninkii ka soo horjeeda, Villa Somalia shaqo kale ma qabaneyso dadka ka soo horjeeda ayay xireysaa, meeshaas laga soo qaataa tilmaamaha ee hala is jiro, marka haleyga warqabo yaan mar labaad la is gaadinee”.