Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay muddooyinkan ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Baarka Pizza House ee magaalada Muqdisho.
Farmaajo oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tacsi u diray dadkii lagu laayay weerarkii Alshabaab ee xalay, wuxuuna ku tilmaamay mid naxariis darro ah.
“Waxaan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee Al Shabaab ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadeen. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inay Alshabaab farxada u diidan yihiin shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: “Waa arrin laga murugooda in bil barakeysan, waliba tobankii dambe lagu jiro dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, waliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwanyahay, Caddowogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”
Warka madaxweyne Farmaajo ayaa soo baxay xilli si weyn loogu cambaareeyay inuusan ka hadlin weerarrada ka dhaca Muqdisho, taas bedelkeedna uu si degdeg warar iyo muuqaal uga soo saaro weeraradda ka dhaca caalamka iyo magaalooyinka kale ee dalka oo ay ugu danbeysay weerarkii Alshabaab ee Af-urur, Puntland.
Wadani