Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigi uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Sochi ee dalka Russia, kadib socdaal dheer oo laba maalmood qaatay.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mida wasiirada Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, Gaashaandhigga Xasan Maxamed Amar danbe iyo xubno ka mida mas’uuliyiinta Madaxtooyada, waxayna magaalada Sochi uga qeyb geli doonaan shir madaxeedkii ugu horeeyay ee Afrika iyo Ruushka oo dhici doona 23-24-ka Oktoobar.
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.
Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka.





