Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa xafiiskiisa iyo shaqo maalmeedkiisa caadiga ahaa u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulamo kula yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ku wehliyay kormeerka Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Saraakiisha sare ee ciidamada.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Famaako uu xafiis ka furtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, halkaasoo uu sheegay inuu waqtigiisa badan ku qaadan doono si uu dhiirogelin ugu noqdo ciidamada xoogga Dalka oo dagaal kula jira Alshabab.
Waa markii labaad ee Madaxweynaha uu sheego inuu ku shaqeynayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, wuxuuan dhowr jeer isaga daba noqday xaruntaasi.