Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay siyaasi caan ah oo ka mid ahaa musharixiintii kula tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) u magcaabay inuu noqdo la-taliyaha xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.
Wareegto ka soo baxday maanta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay siyaasiga Tarsan oo noqonaya mid ka mida la-taliyeyaasha faraha badan ee madxweynaha leeyahay, gaar ahaan la-taliye sare ee dhinaca siyaasadad ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.
Tarsan ayaa hore u soo noqday  Guddoomiyihii gobolka Banaadir, wuxuuna madax ka ahaa xisbi siyaasadeed, isagoo ah siyaasi lagu tilmaamo hal-adeyg iyo go’aanno kulul oo uu qaato.