Madaxweynaha SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray waregeto xilka uga qaaday laba ka mida Guddoomiye ku xigeenadi Gobolka Bnaadir ee Maaliyadda iyo Howlaha guud isagoo magacaabay xubno cusub.
Wareegto kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.
“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”
Waxaa xilalkii laga xayuubiyey Guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda Cumar Mahad-Alle (Ibrahim-Dhere) iyo guddoomiye ku xigeenkii howlaha Guud Cali Sheekh Ibrahim Fiidow.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.
Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.