Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay Wafdigii Midowga Afrika ee uu hoggaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagxisada aanu ahayn mid Somaiia u gaara oo u yaalla dhammaan dalalka Gobolka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.
Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki oo xaflada ka hadlay ayaa ka hadlay xiolliii uu joogay Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa xornimo u dirirkii K/Afrika , xilligaas oo Somalia ay lahayd maqaam weyni ku lahayd Qaaradda Afrika iyo caalamka, ayna hormuud u ahyd taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.
“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” ayuuna yiri Thabo Mbeki.
Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.







