Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabaddii dabaaldega heshiiska dhinacyada Koonfurta Suudaan oo ka dhacday magaalada Jubba.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Jubba ee Caasimada dalka South Sudan wuxuu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan, wuxuuna si weyn u weerarray madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin Jubba, waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Salva Kiir Mayardit, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo in dhidibada loo adkeeyo nabadgalyada guud Gobolka oo ah mid isku tolan.
HOOS KA DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNE FARMAAJO