Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasoo lagu soo dhoweeyay, isagoo ku biiray shirka madaxda dalalka Itoobiya Iyo Eritrea uga socda halkaasi.
Madaxweynaha oo ay wafdigiisa ka mid yihiin, agaasimaha Madaxtooyada Nuur Fursade, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi iyo la-taliyaha Madaxweynaha Maxamed Balal waxaa garoonka magaalada Asmara kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Eritrea.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku biiraya shirka saddex geesoodka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo uu hore magaalada Asmara ugu sugnaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed , waana safarkii labaad ee Farmaajo ku gaaro Asmara muddo laba toddobaad gudahood ah.
SAWIRRO