Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Warbixin yaab leh ka qoray xaaladda Gobolka Gedo (Akhriso)

    Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Warbixin yaab leh ka qoray xaaladda Gobolka Gedo (Akhriso)

    February 9, 20223 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa warbixin dheer oo yaab leh kasoo saaray xaaladda gobolka Gedo.

    Qoraalka Maxamuud Sayid ayaa isugu jir eedeyn iyo dhibatooyinka Gobolka Gedo kasoo gaaray intii ay maamulayeen Shan Qof oo uu sheegay inay isugu jiraan Soomaaliy iyo ajnabi.

    QORAALKA HOOS KA AKHRISO

    “NIN ADDUUN JOOGOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN”

    “Waxaa Layaab leh Maanta oo Aan joogno Qarnigii 21-aad In umad leh Siyaasiin, Hoggaan dhaqameed, Aqoonyahanno, Cullamaa’uddiin, Dhallinyaro, Ganacsato iyo Haween In ay Af-duubaan 5 Shakhsi oo isugu jira Soomali iyo Ajnabi, Kaddibna ay ku hogaamiyeen waddo Mugdi ah oo horey Ka xiran.

    Waxaan Halkaan kula Wadaagayaa umadda Soomaaliyeed, Reer Jubbaland Iyo gaar ahaan Shacabka reer Gedo, Muddadii Labada Sano Ahayd oo Aay Shakhsiyaadka Aan kor ku soo xussay Qorshaha Gurracan ka fulinayeen Khasaaraha Kasoo gaaray G/Gedo.

    1. Amniga waxaa burburay Qorshihii dhismaha Booliiska 600 Oo Askari oo UN-ka gacan naga siinayeen kaas oo markii la dhisay Xaradii lagu tababari lahaa Lana diyaariyey macalimiintii iyo Gaadiidkii la keenay Dekedda Mombasa Nasiib darro ay burburiyeen kuwaa Aan soo sheegnay.

    2. Arrimaha maamulka waxay hor istaageen dhismihii Golayaasha Deegaanka oo ay Dadweeynaha soo dooran lahaayeen si degma kasta u hesho horumar dhinac kasta leh sida kaabayaasha dhaqaalaha, Adeegga bulshada, Amniga, Garsoorka iyo miisaaniyad dheelitiran mashruucaan oo lafulin lahaa 2020 ilaa bilawgii 2021.

    3. Garsoorka waxaa socday lana meel marin lahaa dhismaha Garsoorka Heer degmo iyo heer Gobol Oo ay wadeen Golaha Adeegga Garsoorka iyo wasaaradda Caddaaladda.

    4. waxaa lafulin waayey Dhismihii Koleejka macalimiinta B/dhere Ee ka dhaxeeyey Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo Jaamacaddii B/xaawo.

    5. Waxaa lafulin waayey Qorshaha hergelinta magaalooyin Casri ah (master plan) iyo sharciyeenta Dhulka.

    6. Waxaa lafulin waayay mashruuca dhismaha waddo laami ah oo isku xidho luuq iyo B/xawo.

    7. Waxaa meesha kabaxay Qorshe lagu sameyn lahaa biya Xireenno Togogga waa weeyn ee biyaha Wabiga ku dara xiliyada Roobka si looga gaashaanto biya la ‘aanta xilliga Abaaraha.

    8. Waxa Gabi ahaan 89% Gobolka ka joogsaday howlihii kala duwanaa Oo Aay wadeen Hay’adaha Samafalka waxayna u wareegeen Deegaannada kale ee Jubaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waayo Deeqbixiyeyaashu waxay ixtiraamaan Shuruucda Dalka u degsan.

    9. Waxaa xusid mudan Mashaariicdii horomarineed iyo kuwa Xaaladaha degdegga ah ee sanadihii 2017, 18 ilaa 2019 Loo qoondeeyey Dowladda Jubbaland, G/Gedo wuxuu ka helay 67.8% ka fiiri Sanduuqa Dhaqaalaha Soomaaliya (SSF).

    10. ugu danbeeyn Maanta Gobolka Gedo waxaa 83% Saameeyn ku yeeshay Al-shabaab oo mucaahado lagalay Beelaha Gobolka Degan waxayna la wareegeen Garsoorka, dhaqaalaha iyo dhismaha madax dhaqameed, fullinta tababaro iyo waxbarashada Xagjirnimada.

    Howlwadeennada ka Amar qaata shaqsiyaadka shanta ah waxay ku howlan yihiin Qaadista canshuuraha Ay xaq u lahayn maadaama aysan haysan wakiilasho Dastuuri ah Af la’ gaadada iyo Borobogaandada lagu jahawareerinayo shacabka mana Arkaan Xaaladda Bulsho, Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee Gobolka kajirta.

    Walaalayaal maanta waan joognaa barito ma joogno aan kashaqeeyno wax adduun iyo aaqiraba noo wanaagsan, aan wada Noolaanno Annagoo kala aragti ah, aan wada hadalno oo Aan is qancinno”

    W/Qoray: Maxamuud Sayid Aaden
    Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

    Jubbaland Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda ICJ oo Uganda ku xukuntay inay Boqolaal Milyan Dollar magdhow u siiso Congo DR
    Next Article Bayaan ay soo saareen Dowladda Somaliya iyo Midowga Afrika (AMISOM oo lagu bedelayo ATMIS)

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo