Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shaaciyey in madaxda dowladda Federaalka ay aqbaleen ka qeybgalka wejiga labaad ee shirka wadatashiga Dhuusmareeb 2.
Isagoo ka hadlayey xaflad lagu soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee shirka madaxda maamul Goboleedyada ayuu sheegay inuu furmi doono wejiga labaad oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaa noo furmi doona Wajigii labaad ee shirka Dhuusamareeb oo ay kasoo qeybgali doonaan sida aan rajeyneyno Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya maalmaha soo socda insha allah.. shirkaasna waxaan rajo ka qabnaa inuu ku qabsoomo, kuna dhammaado sidii shirkii koowaad” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Wararka ayaa sheegaya in wadahadal socday 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay dhaliyeen inuu Madaxweyne Farmaajo aqbalo inuu ka qeybgalo shirka Dhuusamareeb wejigiisa labaad, iyadoo uu ka horeyn doono wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo usii gogol xaari doono.
