Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey oo sii deysay maxaabiistii Puntland ee Somaliland ay ku qabsatay dagaaladii degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ku dhex maray labada maamul.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in cafis loo fidiyay 14 maxbuus fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed, Liiska maxaabiista uu cafiska u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maxaabiista ayaa kala ah:
1) Cabdi-naasir Cismaan Cali
2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle
3) Maxamed Siciid Yuusuf
4) Cali Faarax Aadan
5) Maxamed Cabdi Caynab
6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane
7) Xuseen Siciid Warsame
8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur
9) Maxamed Abshir Aadan
10) Ibraahin Xasan Salaad
11) Axmed Maxamed Axmed
12) Siciid Ducaale Cali
13) Mahad Nuur Cali
14) Faarax Maxamed Cabdi