Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli ay halkaasi ka socdaan wadahadallo ku saabsan xaaladda Galmudug oo la isku mari waayey.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku sugan magaalada, waxaana muddooyinkii ugu danbeeyay socday dadaal uu waday madaxda xukuumadda Galmudug oo ku saabsan sidii wadahadalka loogu soo biirin lahaa madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, taasoo aan weli lagu guuleysan.
Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in ciidamada taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Dhuusamareeb uu farriin u diray, isagoo u sheegay inay halkaasi soo dhaafin oo ay muddo 24 saac kadib uu go’aan kasoo bixi doono.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Galmudug Saciid Siyaad Shirwac oo ciidamadaasi la socda ayaa sheegay inay soo badbaadinayaan madaxweynaha Galmudug, isla markaana madaxweyne Xaaf oo ka dalbaday inay 24 saac sugaan, wuxuuna intaasi ku daray inay diyaar u yihiin inay tagaan magaalada Dhuusamareeb si ay halkaasi uga kaxeeyaan madaxweynaha.