Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa soo dhoweeyay is-casilaadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xaaf ayaa Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ku sheegay inuu yahay oday nabadoon ah dalkana ka badbaadiyay burbur iyo dib u dhac markale soo wajihi lahaa, siagoo ku bogaadiyey inuu xilka ka tanaasulay.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay arrin xun ay ahayd Khilaaf ka dhex jira Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Dalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya iyo Baarlamaankaba inay wixii hada ka danbeeya iska ilaaliyaan Khilaaf Cusub.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dalka Jabuuti uga soo qeybgalay shir ay isugu yimaadeen madaxda dalka Jabuuti iyo shirkado caalami ah uuna kala hadlay dhismaha dekeda magaalada Hobyo.