Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa taageeray shirka beelaha H/Gidir ee lagu baaqay inuu ka dhaco magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Xaaf oo ku sugan magaalada Cadaado, kadib markii ka guuray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa xalay ka qeyb galay xaflad ka dhacday magaalada oo lagu xusay maalinta 26-ka June, wuxuuna ka hadlay xaaladda Galmudug iyo shirka Hobyo.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Galmudug dhibaato badan laga soo maray, haddana ay meel fiican mareyso, wuxuuna caddeeyay inuu tageersan yahay Shirweynaha lagu balan sanyahay in bisha soo socota lagu qabto magaalada Hobyo.
Shirkan ayaa waxaa ku baaqay waxgarad ka tirsan beesha oo sheegay inuu yahay shir dhaqan oo looga hadlayo midnimada iyo heshiisiinta beeshaasi oo isku heysata hoggaanka maamulka Galmudug.