Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Xasan Sheekh oo amarro aan laga filayn u jeediyay Baarlamaanka & Xukuumadda (War-saxaafadeed)

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo amarro aan laga filayn u jeediyay Baarlamaanka & Xukuumadda (War-saxaafadeed)

    August 18, 2015Updated:August 19, 20153 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Xasan Sheekh oo war cad ka soo saaray arrin laga cabsi qabay
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed uu soo caawa uga hadlay arrimo aan laga fileyn xilli uu mooshin ka dhan ah ka yaallo Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna si toos ah ula hadlay hay’adaha dastuuriga ee dalka, sida Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kuu ku booriyay inay dardar geliyaan hawlaha ay qaranka u hayaan.

    xasan shekh

    War saxaafadeedka Madaxweynaha ayaa loogu baaqay Xukuumadda inay kordhiso ka warqabka waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha hoos yimaada, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan dhab ah.

    “Waajibaad ayaa na wada saaran, kaasoo ku saleysan inaan si hufan ugu adeegno Qaranka. Waxaan ugu baaqayaa Baarlamanka oo ah hay’adda sharci dejintu in uu de-dejiyo dhammeystirka shuruucda aasaasiga u ah hannaanka dowladnimada” ayuu yiri Madaxweynaha oo tixay sharciyada horyaalla Baarlamaanka sida:

    1. Ka-hortagga musuqmaasuqa,
    2. Maalgelinta shisheeye,
    3. Isgaarsiinta iyo qandaraasyada.

    Shuruucdaas ayuu sheegay inay dhammaantood saldhig u yihiin hirgelinta nidaam hufan oo isla xisaabtan ku saleysan sida  uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay Xasan Sheekh Maxamuud.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta nidaam hufan, dalka laga abuurey Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ay ku wada jiraan xubno ka socda dowladda, hay’adaha caalamiga ee Bankiga Adduunka (World Bank), Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB), kuwaas oo durba hawshoodu ay wax badan ka bedeshey nidaamka maamulka maaliyadda ee Soomaaliya.

    “Waxaan xukuumadda farayaa in la dardar geliyo hawlaha Guddiga Maamulka Maaliyadda, isla markaana la taageero dib u eegista guddigan ku sameynayo qandaraasyada dowladdu ay bixisey, iyada oo la raacayo nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, heshiiskii aan buuxin shuruudahaasina la mariyo sida sharcigu uu dhigayo’’.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad dhisiddu uu yahay garsoorka, loona baahan yahay in Baarlamanku uu de-dejiyo dhammeystirka meel marinta shuruucda iyo dhismaha hay’adaha garsoorka ee dastuurka ku xusan oo dhan, sida Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga.

    Waxaa kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay warbaahintu in ay door waddaninimo ka cayaarto dadaallada dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada, lagana dhowrsado faafinta wararka horseedi kara amni darro iyo tafaraaruq shacabka soo dhex gala.

    Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn si gaar ah u bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed oo mar walba ka damqada dhibaatada dalkooda uu ku jiro, isla markaana gacan ka geysta dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

    War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa u muuqda mid lagu doonayo in indhaha looga jeediyo mooshinka xiisadiisu kacsan tahay ee xil ka qaadista, waxaana muuqata inuu Baarlamaanka u tilmaamayo inay shaqooyinkooda qabsadaan.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Madaxweyne Xasan Sheekh Mooshin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: C/kariin Guuleed oo waqti kordhin u dalbaday magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug
    Next Article Ciidamada dowladda, AMISOM & Liyu Police oo sheegtay in Alshabaab badan ku laayeen Bakool

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo