Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin ka soo saaray xaaladda ka taagan maamulka Galmudug.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa looga digay in xasilooni darro ma dhacda maamulka Galmudug, kadib markii xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay Cadaado maanta uga dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
HOOS KA AKHRI QORAALKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro.
Madaxwweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah
–Dhammaad–