Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku jooga dalka India ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Narendra Modi, waxaana kulankaa looga wadahadlay xiriirka labada dal sidii dib loogu soo nooleyn lahaa dhinacyada ganacsiga iyo waxbarshada xiriirkaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh wax ku soo bartay dalka India.
Ra’iisalwasaaraha India ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonaan arimaha waxbarashada, la-dagaalanka argagaxisada iyo taakuleynta dhanka mileteriga.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New Delhi uga qeyb galaya shirweynaha saddexaad ee Afrika iyo India.