Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galaya xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15- May xaflad ka dhaceysa inta u dhaxeysa madaxtooyada iyo taallada Daljirka Dahsoon, waxayna wararku sheegayaan in madaxweynaha uu xafladaasi uga qeybgalayo orod kooban.
Xaflada oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu orod ruclo ah ka bilaabi doono Taalada SYL hortiisa kadib markii uu ubax dhigo, kadibna uu orodka halkaas laga bilaabo ku tegi doono Taalada kale ee daljirka Dahsoon.
Taalada SYL ayaa xalay si degdeg dib u habeyn loogu sameeyay, iyadoo dandarro xoog lihi ka muuqato qeyb ka mida labadii dhinac ee taaladaasi lahaydna uu la wareegay Hotelka SYL ee hadda sida gaarka ah loo maamulo lagana dhigay barxad baabuurta la dhigto,Taaladda SYL iyo Hotelka waxay ka mid yihiin hantida qaran ee lagu takri falay.
Dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa ka qeyb galaya xafladan oo maanta ku beegan sanadguuradii 72-aad ee aasaaskii ururkii leegada SYL oo qeyb weyn ka soo qaaday xoriyadda dalka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]