Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb gala y xuska sannadguuradii 72-aad ee 15-ka May oo ah markii la aasaasay dhaqdhaqaaqii dhalinyarada xornima-doonka ee SYL. Munaasabadan darteed ayaa madaxweynaha oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan waxay socod ku mareen wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho, isagoo ubax xusuus ah dhigey taalada SYL .
Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta wehlisay ayaa orod rucleyn ah ku maray inta u dhaxeysa SYL iyo Daljirka Dahsoon halkaasoo uu khudbad kooban ugu jeediyay dadkii isu soo baxay “Fariinta aan maanta idin wado waxay tahay in dhalinyarada ay wadankooda dhistaan, ma jirto cid aan idinka ahayn oo wadankaan uu sugayo” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray in dhalinyaradii sameysey SYL 72 sanno ka hor ay ahaayeen kuwo naftooda u huray in Soomaaliya ay xor noqoto.
[ad name=”HTML-2″]