Kulan maanta dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaaska Beesha Xawaadle ee aan weli la duubin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa fashil ku soo dhammaaday kadib markii Ugaaska iyo duubab yar oo la socday ay ku gacan seyreen dalabkii madaxweynaha ee ahaa in laga qeyb galo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Kulanka oo ahaa mid gaara waxa loog hadlay sida loo xalin karo tabashada beelaha Hiiraan iyo dib u bilaabidda shirka hakadka ku jira ee maamulka loogu sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.
Fashilka kulanka ayaa yimid kadib markii la isku fahmi waayay qaabka shirka loo gelayo oo Ugaas Xasan uu doonayay inuu ka dhigo Duubabka Hiiraan, laakiin madaxweynaha uu qorsheeyay shir beeleed. Ugaas Xasan ayaa la sheegay inuu ka carooday qaabka madaxweynuhu doonayo inuu ku qaabilo ee beeleed iyo Ugaas, Ugaas, kadibna waxaa dhacday in shirkiiba qabsoomi waayo.
Ugaaska Xasan iyo 3 Duub oo la socday ayaa dib ugu laabtay shirka, iyadoo aanu wax kulan ah dhicin, taasoo xaaladda uga sii dartray. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa xaaladaas kadib bilaabay inuu u kala dabqaado madaxweynaha iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ay ka tafan tahay. Mudane Dabageed ayaa kulan qancin ah ugu tegey Ugaas Xasan hotelka uu degan yahay.
Madaxweynaha ayaa xalay tegay Galbeedka Hiiraan, halkaasoo uu kula kulmay ugaasyada iyo waxgaradka beelaha Gaaljecel iyo Gugundhabe. Dowladda federaalka ayaa ilaa iyo hadda ku guuleysatay inay kala qeybiso ugaasyadii 8-da ahaa ee gobolka Hiiraan oo hore u qaadacay shirka Jowhar.
Dadaalka Guddoomiye Dabageed ugu jiro in kulan kale la isugu keeno Ugaas Xasan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu mira dhalo, iyadoo waxgarad badan ay dadaalkaasi ku jiraan. Wararka ayaa sheegaya Ugaaska cusub ee Beesha Xawaadle uu yahay dhibaatada ugu weyn ee hadda hor taagan dadaalka dowladda federaalka oo dooneysa inay dhisto maamul ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.