Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magacaabay saddex wasiir oo cusub oo xukuumadiisa ka mid noqonaya, iyagoo xilalkii laga qaaday saddex wasiir.
Golaha Baarlamaanka ayaa ansixiyay magacaabista saddex wasiir oo midkood uu yahay madaxweynihii degaanka Oromada Itoobiya oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya waxaa loo magacaabay Gedu Andargachew, waxaa kaloo wasiirka Gaashaandhigga loo magacaabay Lemma Megersa oo aha madaxweynaha dowlad degaanka Oromada iyo Engineer Aish Mohammed oo loo magacaabay wasiirka dhismaha iyo horumarinta.
Ninka loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Gedu Andargachew ayaa isna ahaa madaxweynaha dowlad degaanka Amxaarada ee dalka Itoobiya.