Madaxweynihii hore ee dalka Israa’iil Shimon Peres ayaa arbacdii maanta lagu dhawaaqay inuu geeriyooday.
Wuxuu ahaa jiilkii ugu danbeeyay koox dhistay dowladnimada Israa’iil oo dhulka Falastiin la wareegtay bartimihii qarnigii hore.
Shimon Peres wuxuu ahaa 93 sano jir ku guuleystay biladda nabadda (Nobel Peace Prize) isagoo soo noqday Ra’iisal wasaare iyo madaxweyne wuxuuna u geeriyooday kadib markii ku dhacay cudurka Stroke.
Meydka madaxweynaha hore ee Israa’iil ayaa la geyn doonaa berito Baarlamaanka israa’iil ee loo yaqaan Knesset, iyadoo lagu wado in Jimcaha lagu aaso qabuuraha Mount Herzl, ee magaalada Qudus.
Wakaalado