Madaxweynihii ugu danbeeyay ee ee maamul Goboleedyada oo ah madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland, kuxigeenadiisa, wasiiro, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa inuu shir uga furmo magaalada Kismaayo, shirkan ayaa looga hadli doonaa khilaafk u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhashay Xiisada Khaliijka.