Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboleedyada oo Muqdisho u yimaada shirka dowladda Federaalka iyo maamullada dalka.
Shariif Xasan Waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaano Baarlamaanka Federaalka ka tirsan.
Madaxweynayaasha maamullada Jubba, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay berri soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Galmudug arrintiisa waanwaan kas socoto.
SAWIRRO