Madaxweynihii ugu horeeyay ee dal kale ayaa hambalyo u soo diray madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee hambalyo soo gaarsiiya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isagoo lasoo xiriiray, isla markaana fariin soo dhigay bartiisa FB.
Madaxweynaha dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hambalyadiisa ay u qorneyd sidatan:
Waxaan u hambalyeynayaa xilka madaxweynenimo ee lagu doortay Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Waxaana Alle subxaanahu watacaalla ugaa baryayaa inuu uu fududeeyo, una waafajiyo sida ugu haboon inuu uu gudan karo masuuliyaddan weyn ee lo xilsaaray. Anigoo munaasibadan kafaaiidaysanaya , waxaan cadaynayaa inay jamhuuriyada jabuuti sidii looga bartay hiil iyo hooba lagarab joogto shacabka soomaaliyeed iyo dowladiisa dadaalka aygu jiraan adkaynta nabada iyo dib u dhiska qaranka. Hambalyo !
Wadani.com