Inta badan dunida islaamka ayaa maanta looga dabaal degayaa maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, waxaana magaalada Muqdisho ay ciidan kusoo dhoweysay xaalad aad loo adkeeyay amniga.
Dadka magaalada Muqdisho ayaa ku jira xaalad ay xiran yihiin wadooyinka magaalada, waxaana aad u kooban isu socodka gaadiidka oo meelaha qaarkood xaafado kooban ku wareegaya, kadib markii ciidamada amniga caasimadda ay xireen wadooyinka.
Dhinaca kale ayaa gebi ahaan xiran wadooyinka laga soo galo magaalada oo gaadiidku ay ku xayiran yihiin koontaroolada laga soo galo caasimadda, halkaasoo ay ka bilaabtay in gaadiidka ay kula kala wareegtaan labada dhinac.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa fariimahooda ciidul fitriga ku amaanay ciidamada amniga caasimadda sidii ay u sugeen amniga magaalada Muqdisho, ugana hortageen falalkii qaraxyada ee Alshabaab.
Muqdisho ayaa maanta ku ciideysa iyadoo isu socodku xadidan yahay, wadooyinka xiran yihiin gudaha magaalada, halka magaalada bannaankeeda ay bandow ku jirto oo aan la geli kari in laga baxo maahee.
Koontaroolka Maslax ee AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa muddo ka badan toddobaad waxaa ku xayiran Gaadiid xamuul iyo rakaab oo ku socday Muqdisho kana yimid gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, halkaasoo ay gaadiidkaasi buux dhaafiyeen, qaarkoodna badeecadii ay sideen ay ku baaba’day, iyadoo dhinaca Koontaroolka Siinka dheer sidaasoo kale u xiran yahay in muddo ah.