Sii-hayaha wasiirka Xanaanada Xoolaha Md. Faarax Sheekh C/qaadir ayaa dhowaan socdaal ku tegay magaalada Nariobi ee dalka Kenya, isagoo madaxweynaha ka wada farriin ku saabsan inuu la-tashi kala sameeyo xubnaha beesha caalamka ee taageera dowladda Soomaaliya shan musharax oo madaxweynuhu soo xulay inuu ka dhex magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Shantan xubnood ayaa kala ah:
1. Xuseen Cabdi Xalane
2. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
3. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan
4. Saciid C/llaahi Deni
5. Axmed Ciise Cawad
Kulamadii beesha caalamka ee arrintan looga hadlay ayay wararku sheegayaan inaan natiijo fiican laga gaarin, markii Mareykanku ka gaabsaday inuu wax talo ah ka bixiyo musharixiintaas marka laga reebo Cumar C/rashiid oo ay sheegeen inay aqoon u leeyihiin balse aanay jirin cid ay taageerayaan.
Madaxweynaha oo si weyn uga biyo diiday talo soo jeedintii beesha caalamka ee ahayd inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa cabsi ka qaba in joogsato taageeradii beesha caalamka ee dowladiisa, waxaana isku daygan uu ahaa mid uu ku doonayo inuu kalsoonida beesha caalamka ku soo celiyo taasoo aan u hirgelin.
Wadani.com
London
[ad name=”HTML”]