Dhalinyaro badan ayaa lagu laayey qarixii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Maqaayada Gelato Divino oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Alshabaab.
Tacsi iyo murugo ayaa hareysay baraha bulshada waxaana tacsi iyo cambaareyn soo saaray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka, waxaan qof kasta uu bartiis soo dhigay sawirrada marxuumiinta ku dhintay qarax oo u badnaa dhalinyaro caan ka ah caasimada Muqdisho.
Magacyada dadkii ku dhintay qaraxa waxay kala yihiin:
1- Cabdirisaaq Cali Yare (Taataa)
2- Bishaar Cabduqaadir Cilmi
3- Ibraaahim Cabdi Cabdulle
4- Cabdulahi Cabdi Jaamac
5- Cabdullahi Suldaan
6- Cabdirisaaq UK
7- Cali Yare
8- Cabdullahi Sudaani

1- Bishaar Cabdi-Qaadir Maxamed

Bishaar C/QAAdir Maxamed ayaa waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Waxaa la sheegay in uu Muqdisho safar ahaan u yimid isaga oo ka soo laabtay magalaada Addis ababa. Waxaa uu Bishaar ahaa nin dhalinyaro ah oo shahaadada kowaad ee Jaamacadda ka qaaday jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho.
2- Cabdi Rashiid Tataa

C/Rashiid Tataa waxaa sida ugu qoran bartii uu Facebook ku lahaa uu ka shaqeynayay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud. Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa dhallinyaradii ka baxday Jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho. Dadka aqoonta u lahaa waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin dhallinyaro ah oo aad u firfircoon.
3- Cabdulahi Cabdi Jaamac

Cabdulahi Cabdi Jaamac ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada magaalada Muqdisho. Cabdulahi wax shaqo dowladeed ama hey’adeed ma heynin, waxaana uu kamid ahaa Dhalinyarada sida iskood ah isaga shaqeysta. Alle ha u naxarstee Cabdulahi Cabdi jaamac waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradii ka qallin jabisay jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdisho.
4- Suldan Cabdulahi Cali

Suldan Cabdulahi Cali waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay qarixii xalay ka dhacay maqaaxada Gelato Divino ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu wiil dhalinyaro ah oo muddo dheer ku noolaa magaalada Nairobi, balse muddooyiinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho.
5- Ibraahim Cabdi

Ibraahim Cabdi Alle ha u naxariiste waxaa uu wax ku soo bartay dalka Turkey, halkaas ayuuuna dhawaan ka yimid, waxaa uuna ka shaqeenayay ganacsi qoyskiisa ay leeyihiin.
6- Cabdullaahi Cali Xasan

Abdullahi Ali Xasan: wax ku soo bartay Jaamacadda Cavandish ee Ugandha. Wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyada. Wuxuu ahaa Nin dhalinyaraha oo fir fircoon.
8- Cali Yare

Cali Yare wuxuu wax ku bartay Jaamacadda SIMAD, kulliyadda culuunta bulshada. Wuxuu ahaa ku xigeenka xafiiska dal ku galka laga bixiya ee Muqdisho.
8- Cabdirisaaq Maxamed Cabdi

Cabdirisaaq waxa ku mid yahay dhalinyarada magaalada Muqdisho, dhawaan ayuu Faransiiska ka soo laabtay, waxaa uu na ka shaqeenayay Hotelka Shabeelle.
Madaxda iyo shacabka ayaa ka siman tacsida dadka lagu laayo weerarrada argagixisada ee Muqdisho ka dhaca, iyadoo aanu jirin isla xisaabtan Hay’adaha Amniga xilligan oo dalku ku jiro xiisad ka dhalatay arrimaha Doorashada.