Monday, May 12, 2025

Magacyada musharixiinta uu cadcad jagada Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Wararka laga helayo  madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inay durba madaxweynaha Soomaaliya miiska u saaran yihiin xubno musharixiin ah oo uu doonayo inuu u magacaabo jagada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo madaxweynuhu ku talogalay in xilka laga xayuubiyo Ra’iisal wasaaraha hadda xilka  haya C/weli Sheekh Axmed oo mooshin ka yaalo Baarlamaanka.

musharixiin

Saaxiibada madaxweynaha ayaa soo sharaxay qaar ka mida xubnaha ay doonayaan in xilka aan la weli la banneyn loo magacaabo, waxaana lagu soo waramayaa in dhowr xubnood ay haddaba u lebisan yihiin in jagadaas loo magacaabo, waxaana qaarkood dhegta loogu sheegay inay xilkaas heli doonaan.

Ad

Xubnaha madaxweynaha iyo saaxiibadiis u sharxan kuwooda ugu horeeya waxaa kamida:

1. Xuseen Cabdi Xalane  oo hadda ahaa wasiirka maaliyadda, si aad ahna ugu dhow madaxweynaha, isla markaana ah ninka uu wato Faarax Sheekh C/qaadir.

2. Ninka labaad ee jagadan ugu sharxan ayaa ah wasiirka  Qorsheynta iminka xilka haya, oo isna aad ugu dhow madaxweynaha, kana mida wasiirada ugu afka gaaban kuwa xilka haya iminka, isagoo si gaara taageero uga heysta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

- Advertisement -

3. Cali Xaaji Warsame oo hadda ah wasiirka waxbarashada Puntland ahna nin aad u degan oo miisan leh, kana mid ahaa musharixiintii jagada madaxweynaha Puntland. Waxaa isagana wata xubno ka mida saaxiibada madaxweynaha.

Waxaa kaloo jira xubno kale oo ay kala wataan saxiiibada madaxweynaha, waxayna tani dhaceysaa iyadoo uu xilka weli hayo Ra’iisal wasaare sharci ah tiiyoo aan la ogeyn sida uu ku dhammaan doono khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka soo gaaray, taasoo muujineysa sida madaxweynaha iyo kooxdiisa ay ugu fogaadeen arrintani.

 

Goobjooge.com
London

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON