Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu eedeeyay inuu boobayo kursi aanay lahayn jufadiisa oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha Bulshada Beesha Baha-Duqsi iyo Gaashaan Buur (Ciidagale) ayaa lagu caddeeyay in kursiga Golaha Shacbaka ee tirsigiisu yahay Hop239 aanu u tartami karin Mahdi Guuleed, kaasoo uu hore ugu fadhiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise.
Waxay Bayaan ay soo saareen ku sheegeen in Mahdi Guuleed ay jufadiisu Dhamal Aadan leedahay kursiga HOP254 oo uu hadda ku fadhiyey xildhibaan Jaamac Askar, iyadoo arrina uu wado Mahdi Guuleed ku tilmaamay boob cad oo aanay marna ogolaan karin, waxayna ugu baaqeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu arrintan wax ka qabto.
Caaqil Sakariye Axmed C/llaahi ayaa sheegay in ilaa toban ay ergo u direen Ra’iisal wasaare Rooble, isla markaana ay doonayaan in wax laga qabto boobka cad ee uu wado Mahdi Guuleed.
Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo dheegay inay waayeen meel lagu hayo diiwaangelinta musharixiinta kursiga HOP239 oo guddigii SEIT ee Somaliland guri lagu xareystay, sida uu yiri.
Kursigan HOP239 ayey Guddiga Doorashada Somaliland shaaciyeen in la bilaabayo diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya, waxaana ka timid qeylo dhaan xoog leh.
